4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Wiil uu dhalay guddoomiyaha Al-shabaab ee Moqokori oo lagu dilay xabsiga degmada Maxaas

 

Axad,  Janaayo, 15, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada degmada xabsiga ku dhax dillay wiil uu dhalay guddoomiyaha Al-shabaab ee deegaanka Moqokori.

Taliyaha ciidamada amniga degmada Maxaas Bashiir Faarax Darandoori ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah ciidamada deegaanka toogasho ku dilay wiil ku xirnaa xabsiga degmada.

‘’Wiilka la dilay waxaa dhalay ninka Al-shabaab ugu magacaaban deegaanka Moqorkori, waxaa toogtay mid ka mid ah ciidamada deegaanka oo ka carreysnaa wiil ay walaalo ahaayeen oo Al-shabaab ay ku dileen deegaanka Moqokori’’ ayuu yiri taliyaha.

Dilka ayuu sheegay in uu dhacay xili marxuumka dhintay loo saaray dibada si loo geeyo suuliga, hasse ahaatee uu weerar kala kulmay qofkan hubeysan ee toogashada geystay.

Saraakiisha ma aysan bixin faah faahin intaa ka badan hasse ahaatee waxaa ay sheegeen in marxuumka la dilay uu xabsiga ku xirnaa maalmihii aynu soo dhaafnay.

Ugu danbeyntii, dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]