4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Weerarkii Ceelcade oo sanad jirsaday iyo su'aalo badan oo wali aan jawaab loo helin

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo ubaxyo dul dhigaya naxashyada askar ka tirsanaa KDF oo lagu dilay Ceel Cadde Soomaaliya/Masawirka/Nation Media Group


Axad, Janaayo 15, 2017 [HOL]-Su'aalo badan ayaan wali jawaab loo helin su'aalahaas oo ku saabsan weerarkii Ceel Cadde ee ciidamada Kenya Shabaabku ku soo qaadeen.

Su'aalaha aan wali jawaabta loo helin ayaa waxaa ku jirta su'aasha ah, 'meeqa askari ayaa lagu dilay halkaa?'

Maanta ayay hase yeeshee ku beegan tahay hal sano kadib laga soo bilaabo markii weerarkaasi dhacay. Weerarkaa ayaa ah mid ka mid ah weeraradii ugu ba'anaa ee AMISOM/KDF lagu soo qaado gudaha Soomaaliya.

Tafaasiil kala duwan ayaa kasoo baxday sidii wax u dhaceen laakiin qarax inuu weerarku ku bilowday ayaa la xaqiijiyay.

Dhowr saacadood ayaa xabbad lagu waday ciidamada Kenya taasoo keentay in ugu dambeyn ay xarakada Al-Shabaab la wareegto xerada.

Su'aal kale oo taagan ayaa ah, 'maxaa gurmadku uga soo daahay ciidamadaa intii weerarku ku socday?'

Gurmadka ayaa qaatay ilaa 48 saacadood intaas ka hor ciidamada Al-Shabaab ayaa xerada gubay rartayna wixii hub ahaa ee halkaa yaalay.

Arinkaan ayaa loo aaneeyay gurmad dhanka hawada ah oo aanan jirin gaar ahaan ayadoon la hawl galin diyaaradaha qummaatiga u kaca.

Waxaa sidoo kale jira ciidamo u gacan galay Al-Shabaab ilaa hadana qoysaskoodii wax war ah aysan ka helin halka lagu haysto.

Weerarkaa ayaa dhacay 15kii bishii Janaayo ee sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2016.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]