4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo fariin u diray xildhibaannada baarlamaanka

 

Axad, Janaayo, 15, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka taliyaan masiirka umadda Soomaaliya, xili ay soo dhawday doorashada madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in xildhibaannada maanta gacantooda ay ku jirto sida uu hadalka u dhigay badbaadinta umada Soomaaliyeed, islamarkaana looga baahan yahay in ay codkooda siiyaan shaqsi u taagan midnimada iyo in leysku keeno bulshada Soomaaliyeed.

‘’Xildhibaannada waxaan leeyahay howlweyn oo adag ayaan idinku soo fool leh, masiirka umada Soomaaliyeed gacantiina ayuu ku jiraa, waxaa leydinka baahan yahay in si miirqabta oo maskax leh aad codkiina u dhiibataan, waayo sida uu maanta xildhibaanka codkiisa u bixiyo ayeey Soomaaliya u ekaan doontaa, sidaa daraadeed waxaan ka rajeyneynaa in ay arintaa si wanaagsan uga fiirsan doonaan ‘’ ayuu yiri ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in xildhibaannada yihiin kuwo matala shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay mas’uul ka noqon doonaan haddii ay u dooraan sida uu hadalka u dhigay hogaan xun.

Dhawaan ayaa la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in bishan Janaayo sidoo kale la soo doorto madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]