Khilaaf ka taagan wali soo xulista xubnaha ka dhiman aqalka sare ee gobolka W/qooyi
Axad, Janaayo, 15,
2017 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada
W/qooyi Jaamac Max’ed Khalaab ayaa
faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in hakiyo soo xulista xubnaha ka
dhiman aqalka sare ee gobollada W/qooyi.
Jaamac Max’ed Qaalib ayaa sheegay in khilaafku yahay mid
salka ku haya doorashada ama soo xulista shanta karsi ee ka dhiman xubnaha
aqalka oo beelaha dhaxdooda ay isku heystaan, isaga oo intaa ku darran in lagu
guda-jiro xilinta khilaafkaas.
‘’ Khilaafka waxaa uu ka dhashay in qaar ka mid ah beelaha
kuraasta ka helay gollaha shacabka doonayaan in sidoo kale ay u tartaan
aqalka sare, taasoo beelaha qaar ay ka biyo –diideen arintaa ayaa sabab u ah in
la hakiyo doorashada shanta kursi ee dhiman’’ ayuu yiri Jaamac Max’ed Qaalib.
Waxaa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in doorashada dib
uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho marka la xaliyo sida uu hadalka u dhigay
khilaafka jira.
Ugu danbeyntii, guud ahaan marka la eego doorashada
xildhibaannada labada aqal ee gobollada W/qooyi ayaa mudo dheerba soo
jiitameysay waxaa hareeyay khilaaf ka dhax aloosan beellaha gobollada W/qooyi
ee kuraasta ku tartamaya.