4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2017
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay abaarta ka jirta deegaannada uu maamulka ka arimiyo

 Axad,  Janaayo, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa dalbaday  in loo gurmado dadka abaaraha  saameeyeen ee ku sugan deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi in ay u gurmadaan shacabka ku tabaalaysan deegaanada Puntland.

Waxaa uu sheegay in marka laga soo tago dadka abaaraha ay saameeyeen  in ay jiraan dad kale oo ka barakacay deegaanada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo dhulka Itoobiya kuwaasi oo gaaray deegaanada Puntland.

Maamulka Puntland ayuu hseegya in ay labo jibaari doonaan gurmadka ay u fidinayaan dadka abaaraha kala duwan ku heystaan deegaanada maamulka Puntland.

Ugu danbeyntii, deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bari ayaa waxaa gaaray dad badan oo kasoo barakacay gobolada waqooyiga iyo sidoo kale qeybo ka mid ah dalka Itoobiya , waxaana dadkaasi haysta dhibaatooyin kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]