Axad, Janaayo, 15. 2017, (HOL) - Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa
shaacisay in maalinta beri ah dalka Soomaaliya ay kusoo celineyso qaxooti
badan.
Ku dhawaad 500 oo qaxooti Soomaali ah kuna sugan
xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayay hay’addu sheegtay inay kusoo celin doonto
gudaha dalka Soomaaliya.
Dadkaasi ayaa badankood la qorsheynayaa in la geeyo deegaanada ay dalbadaan,
waxayna qeyb ka yihiin heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowladda
Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.
Saraakiil u hadashay UNHCR ayaa sheegay in dadkaasi laga soo celinayo
xeryaha Dhadhaab inay u dhameystiran yihiin adeegyada ay doonayaan oo
caafimaadka uu ugu horeeyo.
UHNCR ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2014 gudaha Soomaaliya lagu soo celiyay
qaxooti gaaraya 39,316 ruux, kuwaasi oo dhamaantood laga soo celiyay xerada
Dhadhaab.
Ugu danbeyntii, hishiiskii seddex geesoodka ayaa ayaa dhigayay inaan qasab
lagu soo celin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka
Kenya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]