WARBIXIN : wararkii ugu danbeeyay doorashada madaxweynaha ee maalinta beri ah dhaceysa
Talaado, Feberaayo, 07, 2017 (HOL) – Saacado oo kaliya ayaa
ka harsan waqtiga loo balamay doorashada madaxweynaha Soomaaliya hogaamin doona
afarta sanno ee soo socta oo 22 musharax isugu soo hareen kadib markii labo
musharax ay sheegeen in ay isaga hareen tartanka doorashada.
Jidadka magaalada Muqdisho ee muhiimka ah ayaa gabi ahaanba
xiran waxaa dadka inta awood karta ay maalayaan lugtooda, madaama aan la
ogoleyn dhaqdhaqaaqa gadiidka dadweynaha.
Hoteellada waaweyn ee caasimada Muqdisho waxaa ka soconaya
kulamadii ugu danbeeyay ee olalaha o musharixiinta xilka madaxweynaha ku xod
xodanayaan xildhibaannada labada aqal oo maalinta beri ah kala saaraya 22ka
musharax oo mid walba oo ka mid ah isku arko in uu yahay shaqsi mudan in uu
dalka hogaamiyo afarta sano ee socta.
Doorashadan ayaa uga duwan kuwii ka horeeyay tirada
xildhibaannada ka qeyb-galaya oo gaaraya 329 xildhibaan oo ka kooban labo
aqal, taasoo ka dhigeysa in ay adag
tahay wareegi hore in musharax uu helo codadka 2/3 guud ahaan xildhibannada
codadkooda dhiibanaya.
Musharixiinta qaarkood ayaa u muuqda kuwo is baheysiyo
sameysanaya si marka ugu danbeysa doorashada ay codadkooda isugu geeyaan
musharaxa hela codadka ugu badan ka tirsan isbaheysiga.
Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa war ay soo saartay uga
digtay xildhibaannada Soomaaliyeed in ay codkooda iibsadaan sida uu sheegay
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo arintaa ku tilmaamay mid aan ku wanaagsaneyn
shareecada Islaamka.
Sidoo kale gudiga anshaxa ee dhawaan uu magacaabay
baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhinacooda sheegay in ay si gaar ah diirada u
saari doonaan in saacadaha lagu guda jiro doorashada la adeegsado wax ka baxsan
anshaxa doorashada, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqeen in codadka
xildhibaannada lacag lagu kala iibsado, iyaga oo intaa ku darray in haddii ay
arintan ka war hellaan la socod siin doonaan hay’adda ku shaqada leh si
markiiba wax looga qabto.
Maalinta beri ah ayaa ugu danbeyntii la kala ogaan doonaa shaqsi ku soo baxa kursiga madaxweynaha Soomaaliya waxaana
Hiiraan Online mar walba ay si dhaw u la socon doontaa arimaha doorashada ilaa
natiijada ugu danbeysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]