Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) – Xildhibaanadda kala ah Sadiiq Warfaa,
Sacdiyo Salaad iyo Cabdifataax Cali oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka
10aad ee Soomaaliya ayaa booqasho gaaban ku joogay gobolka Minnesota oo ay hore
u daganaayeen ayaa habeenimadii xalay kulan xogwaran ah u qabtay xubnaha
jaaliyadda ee ku dhaqan gobolkaan.
Xildhibaanadaan ayaa jaaliyadda si wada jira uga
war bixiyey xaaladda dalka uu marayo iyo isbadaladii dalka ka dhacay ,waxayna
dhamaantood Hanbalyo u direen raysal Wasaaraha cusub Xasan Khayre waxayna
khudbadahoodii ku sheegeen in ay la shaqeen doonaan Ra'iisal cusub
ansaxintiisana ka qaybqaadan doonaan .
Sacdiyo Salaad oo ugu horeen cod baahiyaha loogu
yeeray ayaa aad uga hadashay daruufaha adage e dalku maraayo xaga abaaraha iyo
waliba tan ciidanka Soomaaliyeed oo ay ku amaantay geesinimada iyo
dhiiranaanta ka muuqata,Sacdiyo waxay kaloo sheegtay in Haweenkii soo galay
baarlamanka ay hormuud ka ahaayeen isbadalka dalka ku yimi bilowgii bishaan
iyadoo sheegtay in haweenka baarlamanka ku jiraa ay hada tahay % 26 ayse aheed
inay noqoqto % 30.
Cabdifataax Cali ayaa u sheegay dadkii
goobta isagu yimi in xiligii mooshinku dhamaaday uuna ku egaa Baarlamaankii
9aad ,waxaan ansaxin doonaa wax dalka wax taraya ee ma ansaxin doono mid
R/wasaare lagu ridaayo ayuu sheegay Cabdifataax Cali oo ka mida Baarlamanka
Soomaaliya ee 2017 ka soo galay.
Sadik Warfaa ayaa isaguna goobta ka jeediyey
khudbad dheer oo dhinacyo badan taabatay aadna ula hadlay qurbojoogta kuna
dhiiri galiyey in dalka ay wax galiyaan dhaqaalo na ugu talagalaan, Sadik waxuu
aad uga hadlay muhiimadda difaaca dalka ,waxuuna sheegay in nabadgalyadu ay tahay
mid dadka Soomaaliyeed ay tahay in ay iyagu gacmahooda ku soo ceshtaan ,Sadik
waxaa kaloo uu ka hadlay xaaladda dalkaan Maraykanka waxuuna dadka faray in
hadalada Trump ay meel uga soo wada jeestaan waxuuna reer Minnesota faray
midnimo iyo in danta guud laga wada shaqeeyo.
Waxaa kaloo kulanka ka hadlay aqoonyahano,
dhalinyaro, waxgarad, xildhibaano hore , waxayna dhamantood sheegeen inay ku
farxsan yihiin xubnaha reer Minnesota ee baarlamanka ku jira waxayna fareen in
dalka ay u shaqeeyaan.
Siyad Said Salah
[email protected]
Minneapolis,Minnesota