5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 10, 2017
Senator Al Franken iyo Cabdi Warsame oo u hanbalyeey Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya

Jimco, Febraayo 10, 2017 [HOL]-Mudane ka tirsan aqalka Sanetka Maraykanka Al Franken oo laga soo doorto gobolka  Minnesota iyo Gudoomiyaha Dagmadda Lixaad ee Minneapolis ayaa si kala gooni ah Hanbalyo ugu diray Madaxwaynaha cusub  ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafiiska Santarka oo saaka Waraaqda Hanbalyadda ah soo gaarsiiyey Xafiiska HOL ee gobolka Minnesota waxyaalahii ku qornaa waxaa ka mid ah in ay kula farxsan yihiin guushii Doorashada ee sida nabadgalyada aheed uga dhacday Arbacadii Magaaladda Muqdisho taasna waa guul.

Waxaana kaloo ku xusan waraaqda in Mudane farmaajo yahay nin Soomaali American ah waxna ku bartay kana shaqeeyay dalkaan, Sanerku waxuu kaloo amaan u jeediyey Madaxwaynahii hore Xasan Shiikh Max'ud sida nabadgalyadda ah ee uu xilka ku wareejiyey,

Waxaana isaguna shalay hanbalyo taa la mid ah u diray madaxwaynaha cusub iyo kii hore Gudoomiyaha Dagmadda 6aad ee Minneapolis Cabdi Warsame isagoo sheegay in loo baahan yahay in maamul gobalyada jiraa iyo ummadda Soomaaliyeed idilkeed ay la shaqeeyaan Farmaajo.

Siyad Salah
Hiiraan Online
[email protected]