4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2017
Fannaanaddii ugu horeysay ee Soomaaliyeed Guduudo Carwo oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa

 

Khamiis, December, 07, 2017 (HOL)  - Waxaa Alle ha u naxariisteen ku geeriyootay magaalada Hargeysa Aroornimadii hore ee saakay Shamis Abuukar Ismaaciil ‘’Guduudo Carwo’’ oo aheyd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo heesta.

Shamis Abuukar ayaa ku dhalatay deegaan ku dhaw magaalada Berbera sanadkii 1935, iyadoo ku soo biirtay Fanka taariikhdu markey aheyd 1952kii oo markii ugu horeysay codkeeda laga maqlay Radio Hargeysa.

Xilligii ay Guduudo Carwo billowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka Dumarka ee Ruwaayadihii xilligaa iyo Heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abokar billaabin heesaha, maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida fannaanada Soomaaliyeed Shamis oo sanadihii ugu danbeeyay ku xannuusaneyd magaalada Hargeysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]