Khamiis, December, 07, 2017 (HOL) - Dowladda Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay
hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya.
Munaasabad lagu qabtay Markab kuwa dagaalka ah oo
ay leeyihiin ciidamada Badda ee dowlada Talyaniga oo ku sugan xeebaha dalka
Djibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi
Hoggaanka Ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha
dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda
Talyaniga, iyadoo taliyihii xilkaasi wareejiyay uu sheegay in sanadkii la soo
dhaafay ay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka
soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagaarka xeebaha
Puntland.
Wuxuu sheegay in si aad ah hoos ugu dhaceen
weeraradii kooxaha Burcad badeeda ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo
goobaha ka baxsan.
6-biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga
Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena waxa la wareega mid ka mid ah dowladaha
Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joagaan xeebaha Soomaalia.
Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya ayaa Dowladda
Federaalka Soomaaliya waxaa si KMG ah uga caawiya Wadamada Midowga
Yurub,waxaana hadda Dowladda dadaal ku bixineysaa sidii loo tayeyn lahaa
Ciidamada Badda Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amaanka Xeebaha
dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]