Khamiis, December, 07, 2017 (HOL)– Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa oo hadal kooban ka
jeediyay munaasabadii ay heshiis ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlu Sunna
ayaa sheegay in heshiiskan uu soo maray marxalado kala duwan.
“Dib u heshiisiintan muddo ayay soo socotay laga soo bilaabo Caleema saarka
oo aan casuunnay Sheekh Shaakir iyo nidaamkiisa, maalintaas illaa iyo hada ayay
soo socotay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay mudan tahay in mar walba
loo mahad celiyo, isla markaana ay ahaayeen cidii la dagaashay Al-shabaab oo
dareensiisay inay dhiman karaan oo ay dhaawacmi karaan, iyagoo kula dagaalamay
Caqiido sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug tanaasulka uu sameeyay
iyo sida uu awooddiisa u qeybiyay.
“Madaxweyne Xaaf isaga kaliya ayaa wax bixiyay, waa ninka awoodiisa qeybiyay
ee ma ahan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka saas in
loo ogaada loo baahan yahay, waana qeyb ka mid ah tanaasulka”ayuu yiri
Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada maanta la gaaray ay ka soo
bilaabatay dib u heshiisiintii Jabuuti ee sanadkii 2009-kii iyo isku darkii
labadii baarlamaan ee dowladdii KMG aheyd, ayna maanta ka dhalatay dowlad
joogto ah oo shacabka doortaan.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u rajeeyay shacabka Galmudug mustaqbal
wanaagsan, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ku bixin
doonto sidii loo taageeri lahaa maamulkaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]