Maxkamad ku taalla Canada oo dambi ku heshay Cumar Adeer oo loo heysto Afduubkii Amanda Linhod
Khamiis, December, 07, 2017 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dambi
afduub ah ku heshay inuu geystay Cali Cumar Adeer oo ah 40 sano jir Soomaali ah
oo 9 sano waqti haatan laga joogo la sheegay inuu ka qeyb qaatay fal afduub ah
oo Muqdisho loogu geysto Amanda Linhod oo ah gabar u dhalatay dalka Canada iyo
sawir qaade u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nickel.
Xaakimka Maxkamadda ayaa ku dhaawaqay Cali Cumar in lagu helay dambiga ah
afduubka labada qof, Cali Cumarna uu ka been sheegay kiiska, wuxuuna sheegay
keliya in uu ahaa turjumaan.
Kiiska ninkan lagu helay ayaa waxa uu soo baxay kadib markii saraakiisha
dambi baarista qarsoon ee wareysatay uu u sheegay in Toban kun oo Dollar oo
madax furasho ahaan loo siiyay, kadib markii uu ka dalaalay dhinacyada, waxaase
Maxkamadda uu ka dhex sheegay isaga laftirkiisa in loo heystay afduub.
Xukunka rasmiga ah ee Cali Cumar ayaa ah sida werbaahinta qaar ay qorayaan
xabsi daa’in la filayo in lagu dhawaaqo sanadka soo socda 2018-ka, waxaana
ninkan gudaha dalka Canada lagu qabtay 2015-kii.
Amanda Linhod ayaa shalay oo Arbaco aheyd waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay
iyada oo ilmeyneysa markii ay aragtay Cali Cumar Adeer in ay dhowr jeer la
kulantay faraxumeyn, la garaacay, loona hanjabay, islamarkaana laga wareejiyay
dhowr jeer goobtii afduub ahaanta loogu heystay, Gabadhaasi wariyaha ah
Hooyadeed iyo dadka reer Canada ayaa dhaqaale ay uruuriyeen Madax furasho loogu
soo daayay.
Sagaal Sano kahor ayaa Gabadhan waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho sanadkii
2008-dii, markaasi oo ay wada shaqeynayeen wariye Madax banaan, waxaana
labadoodaba madax furashadii dhaqaalaha aheyd ee la uruuriyay lagu soo daayay
sanadkii 2009-kii bishii November.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]