4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2017
Kulan xalay dhaxmaray guddiga dib-u-eegista dastuurka iyo madaxda dowlad gobolleedyada


Khamiis, December, 07, 2017 (HOL) – Madaxweyaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada.

Kulanka ayaa waxaa joogay Guddoonka Labada Aqal, Ra’iisal Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada.

Shirkan ayaa Ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan Guddiyada Arrimaha Dastuurka ee heer Federal iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista Dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad hawlaha Lagu dhameystiro Dastuurka.

Madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa marar badan oo hore dhaliilay hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo ay sheegeen in aan laga tallo-galin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]