Sheekh Shaakir oo markii ugu horeysay qabanaya xil ku cusub qaab dhismeedka maamul gobolleedyada

Arbaco, December, 06, 2017 (HOL)– Heshiiska
ay maanta kala saxiixdeen maamullada
Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa noqonaya mid ku soo kordhiyay xil cusub
marka la eego qaab dhismeedka maamul gobolleedyada dalka ka jira.
Heshiiska ayaa waxaa ku cad in hogaamiyaha
maamulka Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan markii ugu
horeysay Galmudug ka qabanayo xilka wasiirka koowaad oo awoodaha la siiyay la
oran karo waa mid u muuqaal eg ‘Ra’iisal Wasaare ‘’ oo kale inkastoo magacaa
aan lagu muujin heshiiska.
Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhisi doona
xubnaha Golaha Wasiiradda isaga oo la tashanaya madaxweyne
ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Koowaad oo noqonaya Sheekh Maxamed Shaakir Cali
Xassan oo marka danbe awood u leh in uu Golaha Baarlamaanka horgeeyo
Wasiirrada cusub si ay codka kalsoonida siiyaan.
Sheekh Maxmed Shaakir ayaa sidoo kale shir
guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirrada, sidoo kalana waxaa uu talo ku
yeelan doonaa xil ka qaadista xubinta ka tirsan Golaha Wasiiradda, iyadoo
madaxweyne Xaaf uusan awood u yeelan doonin in uu xil ka qaadis sameeyo isaga oo kala tashan Ku-xigeenkiisa iyo
Wasiirka Koowaad.
Marka la eego maamul gobolleedyada dalka ka
jira shirarka Golaha Wasiiradda waxaa shir guddoomiye madaxweynaha, laakiin waa
markii ugu horeysay ee Golaha Wasiirrada mid ka mid ah maamul gobolleedyada
dalka Soomaaliya uu shir guddoomin doono Wasiirka Koowaad ama Madaxa xukuumadda .
Faa’iidada kale ee Ahlu Sunna heshiiskan ugu
jira ayaa waxaa ka mid ah in ay dhankooda soo magacaabi doonaan guddoomiyaha
maxkamada sare oo ka mid ah Awoodaha ugu sareeya maamulka,
Sidoo kale waxaa ku cad heshiiska in leys
waafajin doono labada Astaan ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, inkastoo la
sheegay in aan wax ka badal lagu sameyn doonin Calanka iyo magaca Galmudug.
Ugu danbeyntii dhamaan qoddobadan lagu
heshiiyay ayaa la sheegay in lagu fulin doono magaalada Dhuusa-mareeb ee
Xarunta u ah maamulka Galmudug
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com