4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Guddiga joogtada baarlamaanka oo ka hor yimid soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha Qaranka

 

Axad, December, 31, 2017 (HOL) - Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan Xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka 16kii bishan Shir jaraa’id ku sheegay in guddoonka baarlamaanka uu ka dalbanayo in Xasaannada lagala noqdo labada xildhibaan ee kala ah Xassan Macalin iyo Cabdi Saamir Shuuriye si sharciga loo horgeeyo isaga oo ku eedeeyay wax uu ugu yeeray ‘’Qaran Dumisnimo’’

Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddiga joogtada ee Golaha Shacabka

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]