4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2017
Gobolka Sool heshiis laga gaaray dagaal dhaxmaray labo beeloood

 

Axad, December, 31, 2017 (HOL) - Kumanaan Ciidamo beeleed ayaa laga kala diray degaano baahsan oo ku yaala koonfurta degmada Laascaanood iyo waqooyiga degmada Burtinle, kadib wadahadal garboyo badani ay ka qaybqaateen.

Degaanka Cagaare iyo Qoriley oo dagaalo todobaadyadii aan soo dhaafnay ayaa laga gaadhey xal colaadaasi lagu soo afjarayo, iyadoo qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen in xabad Joojin bilaa shuruud ah iyo ciidamada la kala diro lagu guulaystay in ay fulaan.

"Waxaa la kala diray dhamaan wixii ciidan ahaa ee joogey Qoriley, Gunburka iyo degaanada ku dhow, waxaana lagu balamay in bisha labaad laysu yimaado si loo dhameeyo wixii raad colaadeed ah, ergooyinkiina waa kala ambabexeen" sidaa waxaa HOL u sheegay maxamuud Warsame Cali "Sablaale" oo jooga Karin-Dabayl-Weyn oo koonfur Laascaanood kaga quman kulanna u ahayd ergooyinkii ka tegey gobolka Sool.

Ciidamadan la kala qaaday ayaa ah mid ku dhacday si lama filaan ah iyadoo ay taas sababtay heshiis 8 qodob ka koobnaa oo lagu gaadhey halka lagu magcaabo Cariska oo labada degaan u dhexaysa xadka Itopia gudaha u gashan.

"Halka lagu magcaabo Cariska oo ayaa labada beelood oo ay weheliyaan beelaha kale ee dhexdhexaadinta wadey, masuuliyii dawlada Itoobiyo iyo kuwo Kililka Shanaad ka socdaana ay hawsha gacanta la soo galeen balan qaadeena qodobada labada dhinac ku heshiiyeen fulinteeda iyo wax ka qabashadeeda cida jebisa iyagaa dusha u ritey maadaama inta badan degaanada laysku dilo uu ka tirsan tahay dhinacooda" ayuu yidhi Sablaale.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxa ka mid ah Xabad Joojin, Ciidamada oo la kala qaada, in beel waliba ku ekaato degaankeeda inta laga gaadhayo bisha labaad, in qofkii qof dila loo gacan geliyo cida uu wax ka diley, hadii uu baxsadana la qabto xubnaha saxeexay heshiika iyo laba boqol oo halaad oo la haynayo inta laga soo gacan gelilanayo gacan ku dhiiglaha.

Heshiiskan ayaa la saadaalinayaa in uu soo afjaro colaad 12 sanno soo laalaabanaysey galaafatayna dad ku dhow 100 ruux.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G.Sool