4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Xildhibaannada Aqalka sare oo dood ka yeelanaya Miisaaniyada dowladda 2018ka

 

Axad, December,  31,  2017 (HOL)  - Xildhibaanada Golaha Aqalka ayaa kulan ka yeelanaya Misaaniyadda Dowladda ee 2018 sida Fariinta Aqalka Sare lagu xusay.

Miisaaniyadda dowladda ee 2018 oo ka kooban 274 Million islamarkaana ka badan tii Sanadkaan sii dhamaanayo 2017  ayaa 13kii bishan  Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya meelmariyeen.

Doodda xildhibaannada Aqalka sare ee Miisaaniyadda kaddib ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan ama ay wax ka badal ku sameeyaan.

Miisaaniyaddan waxaa meelmariyay xildhibaannada gollaha shacabka oo dood adag ka yeeshay ka hor inta aysan ansixin, lamana oga go’aanka ay ka qaadanayo Aqalka sare oo markii ugu horeysay dood ka yeelanaya Miisaaniyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]