4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Faarax Macalin : hala xiro Safaarada iyo iyo xurmaha tababarada UAE ee Muqdisho

 

Axad, December,  31,  2017 (HOL)  -Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbaday in ay xiraan Safaarada iyo Xarumaha Tababarka ee Imaaraadku ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Bartiisa Twitter-ka ayuu soo dhigay Qoraal kooban oo uu kaga dalbanayo madaxda ugu sareysa dalka in ay xiraan Saafarada iyo Xarumaha UAE ku leeyihiin Muqdisho.

Faarax Macallin ayaa ku sheegay Twitter-kiisa ” Farmaajo iyo Kheyre,ka saara Imaaraadka Muqdisho oo xira safaaraddooda”

 

Hadalka Faarax Macalin ayaa imanaya xili maalintii shalay ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan weerar ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ciidamo la sheegay in ay amar qaataan Imaaraadka Carabta.

Hasse ahaatee Wasiirka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in aysan jirin ciidamo dowlado kale leeyihiin oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya fikrado kala duwan oo ku aadan sidii ay dowlada Soomaaliya u wajahi lahayd khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo haatan farta lagu fiiqayo dowlada Imaaraadka Carabta inay ka dambeyso qalqalka siyaasadeed ee haatan ka soo ifbaxaya dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]