Axad, December, 31, 2017 (HOL)
- Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar
Cusmaan Eng. Yariisow ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar shalay
ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan
Cawaale Qeybdiid.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowlada Soomaaliya ay si deg deg ah uga
falcelisay weerarka lagu qaaday Guriga Senataro Cabdi Qeybdiid, waxaa uuna
xusay in la xiray ciidamadii Gurigaasi weerarka ku galay.
Wasiirka ayaa sheegay in la bilaabay baaritaano deg deg ah oo ku aadan
weerarkaasi iyo cidii ka dambeysa, waxa uuna tilmaamay in gacanta lagu hayo
baarisna ku socoto saraakiil iyo ciidamo weerrakaasi la tuhmayo in ay ka
dambeeyeen .
“Falkaasi Dowladda Soomaaliya aad bay uga xuntahay,,Shacabka Soomaaaliyeed
waxaan u sheegaynaa in aan laga daba hari doonin dadkii falkaasi ka
dambeeyey,waxaa baaritaan ku socda oo xiran tiro isugu jirta saraakiil iyo
ciidamo ila 41 qof ah,waa arrin ugub ah oo qal qal keeni karta,
Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga dhamaan madaxdu aragti
midaysan ayay ka qabaan falkaasi dhacay” ayuu yiri Eng Yariisow.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay la
wadaagi doonaan xogta iyo natiijada kasoo baxda baaritaanka lagu sameenayo
weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid.
Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay
weerarkii ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Imaaraatka
tababareen shalay ku qaadeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]