4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Dibadbaxyo waaweyn iyo rabshado ku sii xoogeysanaya dalka Iiraan

 

Axad, December, 31, 2017 (HOL) - Waxaa sii xoogeysanaya dibadbaxyada isku dhacyada wata ee dalkaasi Iiraan ka soconaya.

Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ugu yaraan 2 qof oo lagu toogtay magaalada ku taalla galbeedka dalkaasi ee Dorud.

Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei.

Dibadbaxayayaasha ayaa sidoo kale magaalada Mashdad ku gubay gaari ay booliiska leeyihiin iyo mooto.

Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen bartamaha magaaladaasi waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan.

Madaxwayne Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]