4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Madaxweynaha Naigeria oo dad dhintay u magacaabay xilal muhiim ah

 

Axad, December, 31, 2017 (HOL) - Dad badan oo reer Naigeria ah ayaa ku tilmaamay khalad weyn oo nacasnimo ah kaddib markii madaxweyne Muhammadu Buhari uu xilal muhiim ah u magacaabay dad waa hore dhintay.

Madaxweynaha ayaa magacyada shaqsiyaadkan ku soo daray liiska dad xilal muhiim ah loo magacaabay taasoo ka yaabisan in badan oo ka mid ah dadka reer Naigeria.

Francis Okpozo oo hore Senetor u ahaa, dhintayna Disembar 2016, ayuu magaciisa ka soo muuqday liiska in ka badan 1,400 oo qof oo xukuumaddu xilal u magacwday.

Xilka loo magacaabay ayaa ah in uu hogaamiyo golaha saxaafadda Nayjeeriya.

Ku xigeenkii hore ee taliyaha booliska iyo baadari, kuwaasoo labadaba dhintay horraantii sannadkan, ayaa iyagana xilal loo magacaabay.

Dad badan oo reer Nayjeeriya ah ayaa aad ula yaabay in magacyada dad dhintay lagu arko liiska dadka ay xukuumaddu xilalka u magacawday.

Bale dhinaca kale mar la eego afhayeen u hadlay madaxweyne Buhari ayaa sheegay in Liiska uu ahaa mid la diyaariyay Labo sano ka hor, hasse ahaatee la shaaciyay iyadoo aan wax dib u eegis ah lagu sameyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]