4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Dowladda Uganda oo ciidamo kala baxday Soomaaliya

 

Axad, December, 31, 2017 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya kala baxday qeyb ka mid ah Ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Uganda waxa ay sheegytay in uu si rasmi ah u bilowday Qorshaha ay ciidamada ugala baxeyso Gudaha Soomaaliya , taasoo qeyb ka ah yareynta Ciidanka ka jooga Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso lix kun.

281 askari oo kamid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa shalay ka baxay Muqdisho.

Korneyl Richard Karemire Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa u sheegay Xinhua in bixitaanka Ciidankaan ay qayb ka tahay dhimista Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo 1000-kii ugu horreeyay bixitaankoodu ku egyahay 31 bishaan Dec.

“Waxaan horeyba u fulinay shuruudaheena sida Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaan horeyba u dhignay ciidankeena [281] si waafaqsan Dastuurka 31-ka December,” ayuu yiri Karemire.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ku dhawaad 1000 Askari ay ka bixin doonaan Soomaaliya, islamarkaana 5000 ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]