4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 31, 2017
Qarax sababay khasaare dhimasho oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, December, 31, 2017 (HOL) - Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qarax subaxnimadii hore ee saakay magaalada Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu Aasay ayaa lagu weeraray ciidamada marayay Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ku dhintay Hal Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ilaa saddex kalana ku dhaawacmeen.

Wixii faah faahin ah ee warkan ku saabsan waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]