4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2017
Wasiir Yariisoow : Ma jiraan ciidamo dowlad kale leedahay oo dalka ka howlgala

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo dowlad kale ka amar qaatay oo ka howlgala dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya kaddib markii Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid Warbaahinta u sheegay in ciidamadii maanta weeraray Gurigiisa loo sheegay in ay ka amar qaataan Imaaraadka Carabta kana tirsan yihiin ciidamada ay ku tababareen magaalada Muqdisho.

“Runtii waxaan kuu sheegayaa ma jiraan ciidamo ay leedahay dowlad kale oo dalka ka howlgalla waxba kama oraneyno hadalka Senator –ka  balse dowladdu baaritaan ayay ku heysaa wixii dhacay si loo soo qabto kuwii ku xadgudbay sharciga dalka ayuu yiri Wasiir Yariisow”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kooban uga hadlay dhacdadan lagu weeraray Guriga Qeybdiid ayaa laamaha Amniga ku amray in ay deg deg sharciga u hor keenaan kuwii ka danbeeyay falkaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]