4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
Cabdi Qeybdiid : Ciidamadii i soo weerarray waxaa la ii sheegay in ay ka amarqaadanayeen Imaaraadka

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) – Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay Gurigiisa ayaa sheegay in ciidamadii Gurigiisa soo weeraray loo sheegay in ay ka amar qaadanayeen Imaaraadka Carabta.

‘’ Markii uu falku dhacay waxaa uu soo wacay Ninka lagu magacaabo Saadiq Joon oo ii sheegay in ciidamada Gurigeyga soo weeraray ka tirsanaayeen ciidamada uu Imaaraadku  tababaro ee ku sugan Muqdisho’’ ayuu yiri Senator CabdiQeybdiid.

CabdiQeybdiid ayaa intaa ku darray in uu ka maqnaa markii uu falka ka dhacayay Guriga hasse ahaatee ay ciidamadu Qoryo ku qabteen sida uu hadalka u dhigay Gabar uu dhalay iyo Xaaskiisa.

 

 ‘’Koley Annaga ciidamada dowladda ayaa u aragnaa ciidamada soo gallay Guriga, waxaa halkan noogu yimid taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in ay baarayaan falka dhacay’’ ayuu yiri CabdiQeydiid

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in uu farayo laamaha ciidamada in ay si deg deg ah shariga loo horkeeno cid kasta oo ka danbeysay weerarka guriga Senator Qeybdiid.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]