4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2017
Hargeysa: Khilaaf ka dhashay shirweynihii ururka saxaafadda Somaliland

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL)-khilaaf weyn ayaa ka dhashay shirweynihii ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ka dib markii  kaadhadhkii shirweynaha lagu galayey badankoodii loo diiday.

Wariyeyaashii ka kala yimid goboladda qaarkood iyo wariyeyaashii Hargeysa ka hawlgalayey ayaa badankoodu dibad joog ka ahaaa shirweynahan, inkastoo shan qof oo kamid ah suxufiyiintii qaadacday loo ogolaaday inay gudaha shirweynaha soo galaan,kuwaas oo markii dambe buuq iyo qaylo ka dhex sameeyey iyagoo madasha shirka ka dhex sheegay in aan shirweynahan loo dhamayn oo wariyeyaashii dibadda taagan yihiin.

Suxufiyiintii dibad jooga ahayd ayaa warbaahinta la hadashay, waxaanay sheegeen in shirweynahan koox gaar ahi soo abaabulatay,islamarkaana aan cid han leh oo xil ka doonaysa loo ogolayn.

“shirkan Saxaafaddu maaha kii saxaafadda ee waxa qabsaday xubno gaar ah oo iyagu doonaysa in aanay waligood xilalka ay hayaan ka degin, wixii shirkaasi ka soo baxo ma aqoonsani, waxaana madaxweynaha iyo cidii ay wada shaqeeyaanba u sheegayna in aanay shirkaasi ahayn kii wariyeyaasha”ayuu yidhi Aadan Ciidle.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Hodan Isaaq oo ka mid ah hablaha dhaliilshan qaabka shirka loo waddo, waxaanay sheegeen in xubnihii hablaha uga qaybgali laha guddida fulinta kooto laga dhigay,isla markaana la diiday in si xor ah habluhu ugu tartamaan xilalka sarsare.

“haddii aanu nahay hablaha warbaahinta ku jira ma ogolin in kooto la dhiga dhigo, waxay ahayd in habluhu ku tartamaan oo qofkii xil doonaya u tartamo, laakiin hadda sidan wax loo wadda si na qancinaysa maaha”ayey tidhi Hodan Isaaq.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland waxay si weyn uga soo horjeesteen shirkan, waxaanay qaarkood ku dhowaaqeen inay ururo kale samaysanayaan.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.