4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
CabdiQeybdiid : Jir dil iyo Bur bur hantiyeed ayeey geysteen ciidamada galay Gurigeyga

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) – Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaan ciidamo ka tirsan dowladda ay ku sameeyeen Gurigiisa.

CabdiQeybdiid ayaa sheegay in falkaasi yahay mid loo dulqaadin karin, isaga oo intaa ku darray in ciidamada gudaha u gallay guriga sida uu hadalka u dhigey geyseen Jir dil iyo Burbur hantiyeed, waxaana uu intaa raaciyay in ay jiraan Alaabo laga qaatay Guriga.

‘’Waa wax laga xumaado in Aniga oo ah Xasaannad leh la baaro Gurigeyga ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xili habeen ah weerar ku qaadeen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame, waxaana weerarkaa ku dhintay Lix ka tirsan Ilaaladiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]