4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo weerarray saldhig ku yaala Kenya

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) – Dableey looga shakiyay Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaadday  subaxnimadii hore ee Saakay Saldhigga Ciidanka Boliiska ee Degmada Ijaara oo ka tirsan ismaamul goboleedka Gaarisa Kenya.

Raggan oo lagu qiyaasay tiradooda 50 Nin ayaa dab qabadsiiyay  qaar ka mid ah Xafiisyada Saldhigga iyo xarunta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, iyagoo horay usii kaxaystay Gaari Land Cruiser ah, waxanay bililiqo kula kaceen Dukaan ay shacabku lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan Boliiska Ijaara oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in xilligaasi uu weerarka dhacaya ay xerada ku sugnaayeen Afartameeyo Askari, waxanay Dableeyda u diideen iney qaataan Hubka ku jiray Bakhaarrada.

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa ugaarsi ba’an oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada qaybo ka mid ah Gobolka Xeebta, Dhulka Keymaha ah iyo degaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]