Sabti, December, 30, 2017 (HOL) – Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa
sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gudaha u galleen Guriga
Senatar Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ah guddoomiyaha Gudiga dib-u-eegista
Dastuurka ee labada Aqal.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Nabad-sugida oo wajiyada u duubnaayeen
gudaha
u galleen Guriga Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo
ku yaala beerta Jaadka ee Degmada Hodan.
Ma jirin wax iska horimaad ah oo goobta ka dhacay ,waxaana la sheegay in si
nabad-galyo ah ciidamada gudaha u galleen Guriga Senater –ka.
Howlgalkan ayaa ku soo
aadaya xili dhawaan ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ay weerareen guri
kuyaala Siyaasiga Cabraxmaan C/shakuur Warsame, waxaana howlgalkaasi lagu xiray
Siyaasiga .
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga oo
la xiriira baaritaanka la sheegay in ay ku sameeyeen guriga mas’uulkan oo ka
tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin donnaa
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]