4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
Ruushka oo lagu eedeeyay in uu Maraakiib shidaal ah geeyay Kuuriyada Waqooyi

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) - Warar ay heleen sirdoonka Wadamada Yurub ayaa muujinaya in Dowladda Ruushka ay Shidaal u dirtay Dalka Kuuriyada Waqooyi,sida ay qortay Wakaaladad Wararka Reuters.

Waxaa wararku ay sheegayaan in Shidaalka Markab Ruush ah uu ku wareejiyay markab kale oo ay leedahay mid Kuuriyada Waqooyi,sidaasina waxaa laga soo xigtay ilo dhanka ammaanka ah ee Miyowga Yurub,waxaana loo arkaa Tallaabadanin ay noqoneyso mid jabineysa cunaqabateynaha hay’adda Qaramada Midoobay ee saaran Kuuriyada Waqooyi,kadib markii ay diiday in ay joojisay Gantaalada Ridada Dheer.

Illo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamadda badda iyo sawiro lagu qaaday dayax gacameedka ay muujiyeen maraakiib ka howlgaleysay dekaddaha Ruushka ee badda Pacifi-ga.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegaysaa in illo wareedayadan aan loo heyn cadeyn in xukuumada Ruushka ay ku luglahayd arrintaantalaabada lagu caawinayo Waqooyiga Kuuriyta,iyadoo Milkiilaha midka mid ah maraakiibtaasi lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay Kuuriyada Waqooyi, kaasi oo isna dhankiisa iska diiday eedeymahaasi.

Marsii horeysay, ayaa waxaa soo baxay in Kuuriyada Kuunfureed ay qabatay Markab ka diiwaan gashan Shiinaha, kaasi oo looga shakiyay in sidaan oo kale uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi.

Dhawaan ayaa Dowladda Kuuriyada Koonfureed waxaa ay qabatay markab looga shakisanyahay in laga leeyahay Dalka SHiinaha Kaasi,la sheegay in uu shay u waday Wadanka Kuuriyada Waqooyi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]