4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya CabdiQaasim Salaad Xassan oo ka hadlay xaalada Soomaaliya

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) - Madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa fariin u diray siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda isaga oo ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan Cadaalada iyo Horumarka si looga baxa dhibaatada xilligan ka jirta Soomaaliya.

CabdiQaasim oo la hadlayay Idaacada VOA Laanteda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in xilligan aan loo baahneyn in laga shaqeeyo burbur ku yimaada dalka Soomaaliya.

“ Mucaarad wuu jiri karaa oo dowladda wuxuu uga iman karaa Baarlamaanka ama Aqalka Sare balse waxaa la rabaa mucaarad xaq ah wax fiican ku hadlaya,”ayuu yiri CabdiQaasim Salaad Xasan.

Waxaa uu ugu baaqay dhinaca dowladda in ay la tashiyo la sameyso bulshada Soomaaliyeed taa badalkeeda bulshada looga baahan yahay in ay xurmeeyaan dowladooda.

CabdiQaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay mucaaradka inay noqdaan mucaarad wax dhisaya oo aysan noqon mucaarad dalka baabi’inaya dowladana ridaya.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli dowlada Soomaaliya ay la kulmeyso mucaaradad ugaga imanaya siyaasiyiin ku jira labada gole iyo kuwo kale oo aan ka mid ahaynba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]