4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
Saraakiil Kenyaan ah oo ka tirsan Al-shabaab oo wax yeelo ka soo gaartay duqeynta Mareykanka

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) -Dowlada Kenya ayaa sheegtay duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaalya wax yeello ka soo gaartay Labo sarkaal oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab kuwaasoo ahaa muwaadiniin Kenyaan ah.

Warar lagu daabaacy Warbaahinta Kenya duqeyn uu Maraykanka ka geystey Koofurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu diley labo ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab halka afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Axmed Faarax iyo Cabdulahi Waliid, waxayna dowlada Kenya sheegtay in lagu daweynayo saldhig uu Al-Shabab ku leeyahay gudaha dalka Soomaaliya.

Dhalinyaro badan oo Kenyan ah ayaa ku biirtey ururka Al-Shabaab oo ah urur la dagaalama dowlada Soomaaliya isla markaana ka fuliya weeraro gudaha wadanka Kenya.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeynta ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya iyadoo duqeymihii ugu dambeeyay lala bartilmaameedsaday dagaalyahano aan xilal sarsare ka hayn ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]