4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2017
Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo kulan ka yeelanaya Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka

 

Sabti, December, 30, 2017 (HOL) -Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay maanta kulan ka yeeshaan Darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka Degmada Balad-Xaawo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah ee degmada Baled-Xaawo, waxa ay walaac ka muujinaayay Xaaladda degmadaasi, Maadaama Gudaha degmada ay dowladda Kenya ay waddo burburin.

Waxaa jiray isku dhac dhanka dadka deegaanka ah iyo Ciidamada Kenya ee Ilaalada ka haya Shaqaalaha ku howlan dhismaha Darbiga.

Kenya ayaa horay u bilawday dhismo darbi ay ku wareejineyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay kaga hor tageyso Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Gudaha dalkeeda, iyagoo ka gudbaya Xuduudda.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in darbiga ay uu soo dhaafay goobihii lagu tala galay in laga dhiso waxgaradka degmada ayaa dowladda iyo maamulka Jubbaland ka codsaday in arintaasi wax laga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]