Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u soo celineyso adeeggii Somalia Airline
Jimco, December, 29, (HOL) –Wasiirka duulista
hawaada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faah faahin ka bixiyay
qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim
u ah bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Oomaar oo marti ku ahaa barnaamij ka baxayay warbaahinta dowladda
ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib
loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad
gaar ah u leh dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in
qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo, isagoo xusay
in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay
calamada dowladaha, dhawaana ay si rasmi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay
bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.
“Garoonka diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah, hadda waxaa ku soo dega
duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti, Kenya Airways ayaa la
filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo, wuuna socda
qorshahaasi” ayuu yiri Wasiir Oomaar.
Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo
garooMada diyaaradaha ee ku yaala dhamaan dalka, isagoo xusay in ay wadaan
qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u
yimaadaan.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed
C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada
dhanka Gaadiidka, si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is
waafajin doono.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]