4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2017
Mareykanka oo ka hadlay duqeymo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose

 

Jimco, December, 29, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa War ka soo saaray gaari yar oo nooca raaxada ah oo habeenkii Khamiista aheyd lagu duqeeyay degaanka Xaawa Cabdi oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay in uu duqeyn ku dilay Afar ka tirsanaa xoogaga Ururka Al-Shabaab, islamarkaana uu burburiyay gaari ay walaxaha Qarxa saarnaayeen oo raga la laayay ay la socdeen.

Gaarigaan oo sida la sheegay Carib ahaa, waxaa saarnaa dhawr qof wuxuuna waday Qaraxyo sida ay sheegayaan dadka deegaanka, balse diyaarad ayaa mar kaliya duqeyn la eegatay, kadibna halkaasi ayuu ku qarxay oo uu ku sii bur buray.

War ka soo baxay Taliska dhexe Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay si gaar ah uga dhacday meel 25-KM dhinaca galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaa uga hortageen Qaraxa lagu dhibaateyn lahaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool Muqdisho, iyaga oo sidoo kale sheegay in cid rayid ah aysan wax ku noqon.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 30 duqeyn cirka ah oo uu la beegsaday Al-Shabaab iyo koox yar oo sheegata inay yihiin garabka ISIS ee Soomaaliya, sanadkan oo kaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka Arbacadii Todobaadkan sheegtay in duqeyn ka dhacday 24-kii bishan meel ku dhow magaalada Kismaayo ee Jubbaland ay ku dileen 13 ka tirsanaa ururka Al-Shabab.

Ururka Al-Shabaab ayaa gaadiidka dagaalka waxa ay ku soo diyaariyaan degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay horey u sheegeen sirdoonka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]