4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2017
Warbixin : Dhacdooyinkii ugu Waaweynaa Sanadkan 2017 ee ka dhacay Soomaaliya

 

Jimco, December, 29, 2017 (HOL) – Doorashooyin heer Qaran ah, Qaraxyo iyo Weerarro culus oo dad badan ku dhinteen, Dilal qorsheysan iyo Isbadalo siyaasadeed waxey Astaan lagu xasuusto u noqon doonaan sanadkan 2017da ee sii dhamaanaya.

Bishii January 2017:- Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Taariikhda yeelatay Aqal sare ( Gollaha Odayaasha) oo ka kooban 51 Xubnood oo laga soo doortay Maamul Gobolleedyada dalka, isla Bishaas waxaa la soo doortay Guddoonka labada Aqal :-

Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mar kale noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka halka Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo loo doortay Guddoomiyaha gollaha Aqalka.

08 Bishii February 2017:- Waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,oo isla February dhamaadkeedii Ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ahaa shaqsi aan horay loogu Aqoon masraxa Siyaasada.

21 Bishii Marso 2017:- Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno.

01 Bishii April 2017:-Golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida siiyay Xukuumada uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Cali Kheyre.

03 Bishii May 2017:- Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya ku dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u -Dhiska dowladda federaalka Cabaas Siraaji oo ahaa Nin dhalinyaro ah oo wax ku soo bartay Xeryaha Dhadhaab.

11 Bishii May 2017:- Shir Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub loo bixiyay New Partnership ( Heshiiska Iskaashiga Cusub) kaa oo badalay Qorshihii New Deal –ka.

Qaraxyadii ugu waaweynaa ee Sanadkan dhacay :

Sanadkan waxaa dhacay Qaraxyo waaweyn oo Ismiidaamin ahaa iyo Weerarro lagu qaaday Hoteello ku kala yaala magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Somaaliya, waxaana ka mid ahaa Weerar Culus oo Kooxo hubeysan ku qaadeen Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen 28 ruux.

Qaraxyo Ismiidaamin ahaa iyo Weerar toos ah lagu qaaday Makhaayadaha Pizza House iyo Posh Treats oo lagu dilay 25 qof oo ay ku jireen shaqaale Ajnabi ah oo Makhaayadahaa ka howlgalayay.

Isla sanadkan Gaari Miineysan oo gudaha u gallay Xarunta Degmada Wadajir ayaa galaaftay nolasha 17 ruux, Weerarradaa oo idil waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Bishii Febraayo ee sanadkan 2017 :- Qarax weyn oo ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad ka badan 30 ruux sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 40 ruux, isla bishii Feberaayo waxaa Qarax lagu weeraray Hotelka Village ee Boosaaso,

10 Bishii Sepember 2017 :- Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 Ruux oo rayid ah, waxaana ka mid ahaa dadkii Qaraxaa ku dhintay Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo ahaa Wakiil Wareedkii TV Jubbaland.

14kii Bishii October :- Soomaaliya waxey u aheyd maalin Madow Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku dilay Isgoyska Zoobe dad tiradoodu kor u sii dhaafeyso 512 Ruux oo u badnaa dad rayid ah.

Isla 28kii Bisha October :- Weerar toos ah Dalbey hubeysan kula wareegeen Hotelka Naas-Hablood ayaa lagu dilay dad u badnaa rayid oo Carruur ay ka mid ahaayeen waxaana dadkii weerarkaa ku dhintay ku jiray Wasiirkii Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed iyo xildhibaan hore Cabdinaasir Gaarane.

Weerarradii sanadkan dhacay

Sanadkan sidoo kale waxaa dhacay Weerarro kala duwan oo lagu qaaday Saldhigyo ciidamada dowladda, kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM Koofurta Soomaliya iyo Xarumo ciidan oo ku yaala deegaannada Puntland.

27 Bishii January 2017:- Xooggga Al-shabaab ayaa Weerar ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sheegay in ay ku dileen weerarkaa tiro ka badan 50 Askari.

03 Bishii Marso 2017:- Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay dileen 57 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab kaddib weerar ay ku qaadeen saldhig ku dhawaa degmada Afmadow.

08 Bishi June 2017: Dagaal culus oo Al-shabaab iyo ciidamada Puntland ku dhaxmaray deegaanka Af-Urur ayaa lagu dilay tiro badan oo Askar ah, waxaana ka mid ahaa dadka weerarkaa ku dhintay Saraakiil ciidan.

10 Bishii June, 2017: - Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Barriire ayaa lgu dilay 10-ruux oo shacab ah, sidoo kale weerarkaas waxaa uu khasaare ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Weerar ka dhacay deegaanka Buula-Mareer Shabeellaha Hoose ayeey Al-shabaab ku sheegteen in ay dileen 39 Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, Al-shabaab ayaa sidoo kale sanadkan weeraray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sanadkan ayaa sidoo kale waxaa ay weerarro ka dhaceen deegaannada kala ah Kulbiyow, Afgooye, Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, War-Maxan iyo Tixsiile ee gobolka Sh/hoose, Baraawe, Qoryooley, Deegaanka Bariirre, Af-Urur, Duleedka Kismaayo, Baydhabo, Qansax Dheere, Waajid, Galgala iyo meelo kale.

Mareykanka ayaa duqeymihii ugu badnaa ka geystay gobollada Shabeellooyinka, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaana lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al.-shabaab.

03 Bishii September 2017:- Al-shabaab ay dagaal culus ku qaaday saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

23kii Bishii August 2017:- Dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay Itoobiya Cabdikarim Qalbi-dhagax oo laga soo qabtay gobollada dhexe inkastoo Golaha shacabka Dhiibistiisa sharci-darro ku tilmaamay.

Isla Bishii Augusto :- Waxaa dowladda isku soo dhiibay ku-xigeenkii hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo Warbaahinta u sheegay in uu isaga baxay Al-shabaab.

Isbadalladii Siyaasadeed ee sanadkan dhacay

Sidoo kale sanadkan waxaa  jiray Isbadalo siyaasaded oo ka dhacay Qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka Soomaaliya :-

26 Bishii February 2017:- Cabdikariin Xusseen Guulleed madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa xilka iska casilay kaddib markii xildhibaanno ku shiray Cadaado sheegeen in ay xilkii ka qaadeen, 03 bishii May ayaa madaxweynaha maamulka Galmudug loo doortay Axmed Ducaale Gaale Xaaf.

14 Bishii August 2017:- Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala noqday madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosoble oo 68 xildhibaan oo ku shiray Jowhar sheegeen in ay Kalsoonida kala noqdeen.

16 Bishii Sepember, 2017:- Waxaa xilka madaxweynaha loo doortay Maxamed Cabdi Waare oo ah Aqoonyahan muddo dheer la soo shaqeynayay hay’addaha UN-ka.

09 Bishii Octobe 2017 :-  Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa shir ku yeeshay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada kaddib khilaaf soo kala dhaxgalay qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada iyo dowladda Dhexe.

Shirkaa waxaa looga dhawaaqay golle ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada waxaana gollahaa guddoomiye loogu doortay madaxweynaha Puntland  Cabdiwali Maxamed Cali Gaas halka ku –xigeenna loo doortay madaxeynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

Mas’uuliyiin Xilalka Iska casillay iyo kuwo kale oo la magacaabay

Sanadkan waxaa xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda iska casillay Labo Wasiir oo kala ahaa Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi iyo Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyika Dr Maryam Qaasim Axmed.

Waxaa sidoo kale xilkii Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iska casilay Jen Axmed Jimcaale Carfiid.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Aug 22, 2017 u magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Eng Saadaq C/llaahi Cabdi waxaa xilkii horay u banneeyay Wasiir Cabaas Siraaji oo toogasho lagu dilay

26 November ee Sanadkan u Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa isna loo magacaabay Jen CabdiWali Jaamac Gorod.

29 Bishii October 2017 : - Kulan gollaha Wasiirrada Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa mar kaliya xilalkii laga qaaday Agaasimihii hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Taliyihii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Cabdxakiin Daahir Saciid Saacid, xilka Taliyaha Booliiska ayaa si Ku-meel-Gaarka loogu sii dhiibay Jen Mukhtaar Xusseen Afrax.

Dilalkii sanadkan dhacay

Sanadkan ayaa sidoo kale waxaa guud ahaanba dalka ka dhacay dilalkii ugu badnaa oo lagu bartilmaameedsaday Xildhibaanno Saraakiil ciidan, Nabadoonno

Dadkii sanadkan la dilay waxaa ka mid ahaaa General Cabdulle Maxamed Sheekh Quruurux, Weerar ka dhacay degmada Xamar-Weyne oo lagu dilay Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab C/laahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuula Axmed Gaballe, oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

Sanadkan sidoo kale waxaa la dilay Guddoomiyihii Galgaduud Maxamed Daahir Cali Cilmi, Nabaddoon Geeddi Maxamuud Axmed (Xaaji Geedi Firdhiye) iyo Taliye ku xigeenkii Saldhigga Booliska oo lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Waxaa ka mid ahaa dadka la dilay sanadkan Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed iyo Gashaanle Maxamed Yuusuf Cali

Sidoo kale waxaa jiray dilal ka dhacay Gobollada Shabeellaha Hoose, Baay Bakool, Gedo iyo Hiiraan.

06 Bishii December 2017:- Maamullada Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa gaaray heshiis rasmi ah oo ka koobnaa 14 qodob kaa oo lagu soo afjaray  Khilaafkii dhanka siyaasadeed.

11 Bishii December, 2017 :- Qarax Gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa lagu dilay Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ka tirsanaa TVga Kalsan.

14 Bishii December 2017 :- Dugsiga Tababarka Booliiska ee Gen Kaahiye Qof walxaha Qarxa isku soo xiray ayaa ku dilay 18 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

17 Bishii December 2017:- Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xili habeen ah Gurigiisa ku weeraray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 6 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, ciidamada weeraray Guriga ayaa xabsiga u Taxaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo markii danbe maxkamada gobolka Banaadir sheegtay in ay wax danbi ah ku weyday.

Ugu danbeyntii 28kii bishan December oo ku beegneyd maalintii shalay dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo wixii ka danbeeyay Bur burkii dowladda dhexe laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]