4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2017
Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay Qarax ka dhacay degmada Buula-burte


Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaray degmada Buula-burte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in hal Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ku dhintay kaddib miino ay haleeshay gaari ay lahaayeen ciidamada.

Qaraxa ayaa Barqanimadii Khamiista ka dhacay bannaanka hore ee garoonka diyaaradaha magaaladasi, wax yar ka hor intii aanu garoonka ka dagin, diyaar rakaab sidday oo ka duushay magaalada Baladweyne.

Dhimashada Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Buula-burte Cabdi Daahir Guure oo dhaawaca iyo meydka goobta ka soo qaaday.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in Miinada lagu xiray Geed dushiisa, oo markii gaari ciidan la hoos dhigayna ay goobta kula qaraxday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]