Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay shir nabadeyn ah oo ka furmaya magaalada Muqdisho
Arbaco, December, 27, 2017 (HOL) - Gudoomiyaha
Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo magaalada
Muqdisho ka daah furay Howlaha Dariseenta Degmooyinka Gobolka ayaa ka hadlay
halka loo marayo Howshaasi.
Gudoomiye Taabit ayaa sheegay in ka
maamul ahaan ay ka go’an tahay howlaha Dariseenta, Cadaaladda ayuu sheegay in
la’aanteeda aanan soconeen.
Waxaa uu tilmaamay in ay Halbeeg ka dhiganayaan Cadaaladda si uu meesha ugu
baxo Musuq-maasuq dhaca inta lagu guda jira Arrintaani, dadka shacabka ayuu ka
dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulka, una gudbiyaan dadka ay ka cabanayaan,
isagoona Ballan Qaaday in Tillaabo deg deg ah ay ka qaadi doonaan dadkaasi
hadii uu warkooda gaaro.
Gudoomiye Taabit ayaa tibaaxay in Dalka ay ka dhamaatay Cadaalad Darada
lakala tirsan jiray, sidaa awgeedne shacabka ay mas’uuliyad ka saaran tahay
sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen sidii aanan dib ugu soo laaban sida uu hadalka u
dhigay.
Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa
Muqdisho ayaa madasha Daah furka Howlaha Dariseenta oo aheyd Degmada Kaxda kaga
dhawaaqay in 7-da Janaayo ee sanadka 2018-ka ay qaban doonaan shir weyne uu ugu
magac daray (Wada tashiga, Nabadeenta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir).
Shirkaas ayuu tilmaamay in looga wada hadli doono sidii loo gaari lahaa Wada
tashiga iyo Nabadeenta Gobolka oo ah hal ku dhigga Shirka, ayna ka qeyb gali
doonaan dad ehel u ah arrintaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Degmooyinka Gobolka ka bilaabay Shirar
hordhac u ah qabsoomidda Shirweynaha la filayo in uu dhaco bisha janaayo ee
sanadka cusub 2018-ka oo Maalmo kooban ka dhiman.
Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]