Arbaco, December, 27, 2017 (HOL) – Gollaha wasiiradda cusub ee maamul
gobolleedka Hishabeelle ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu dhaariyay xarunta maamulka gobolleedka
Jowhar, kaddib markii ay helleen codka kalsoonida baarlamaanka maamulka.
Gollaha Wasiiradda cusub ayaa lagu hor dhaariyay madaxweyne Maxamed Cabdi
Waare iyo ku-xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Guudlaawe.
Cali Guudlaawe ayaa soo dhoweeyay ansixinta Golaha wasiirada, waxaana uu uga
mahad celiyay Baarlamaanka qaabkii ansixinta oo ka dhigeysa in golaha Wasiirada
wixii hadda kadib ay u howl galana waajibaadkooda.
Sidoo kale madaxweyne Waare oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii lagu
ansixinayay wasiirada ayaa ka hadlay arrimaha amniga iyo howlaha hor-yaala xukuumadda
cusub.
Waxaa uu sheegay in dhowaan la bilaabi doono dhismaha wadada isku xirta
Muqdisho iyo Jowhar, sidoo kale uu socdo mashruuc lagu dhisayo Garoonka
diyaaradaha Jowhar.
Waare ayaa ugu danbeyntii sheegay in maamulkiisa wax ka qaban doono
ammaanka, isla markaana la isku furi doono waddooyinka isku xira deegaanada
Hirshabeelle, waxaa uu soo dhoweeyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah
Al-Shabaab, taasoo uu xusay in ay si weyn u wiiqday awoodooda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]