Isniin, December, 25, 2017 (HOL) - Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa muddo 27-sano kaddib maanta xariga ka
jaray xarunta Carruurta Agoonta ciidamada Booliska,iyadoo ay ka qeyb galeen ku
simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar
Xuseen Afrax,la-taliye sare ee xafiiska madaxweynaha
dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo
ka tirsan Dowladda.
Xaruntaan oo ku taalo dhabarka danbe ee isbitaalka Madiina ayaa waxaa loogu
magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye
Guuto Maxamed Abshir Muuse.
Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo
kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii
October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah,Iskuul wax lagu
barto,Dugsiga Qur’aan,Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan
carruurtan Agoonta ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]