4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2017
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

 

Isniin, December, 25, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay uu la xiriiro sidii uu uga qeybgali lahaa shirka ay isugu imanayaan madaxda Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo baarlamaanka Federalka iyadoo kulankana loogaga hadli doono wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka

Wafdiga uu horkacayo Jawaari ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo guddoomiyhaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo qeybaha bulshada.

Laakiin kulankan la filayo in uu Baydhabo ka furmo waxaa ka soo horjeestay guddoonka Aqalka sare oo sheegay in uu yahay kulan aan sharciga waafaqsaneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]