4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2017
Beesha Tanade oo Kalsoonidii iyo wada shaqayntii Siyaasadeed kala noqotay Maamulka Puntland [Video]


Axad ,Decembar ,24,2017 (HOL)-Beesha Tanade oo ka mid ah Beelihii iyo Ururadii Siyaasadeed ee Puntland Aasaasay ayaa kalsoonidii iyo wada shaqayntii ay la lahayd Maamulka Puntland joojisay kadib shir labada todobaad uga socday magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Go’aanka beesha ayaa lagu sheegay in Maamulka Puntland aysan siyaasadihiisu qusayn inta laga helayo matalaad ku dhisan cadaalad iyo heshiis, waxaana la dhisay Golaha Hogaanka Beesha Tanade (GHBT), kuwaas oo uu ka go’ayo go’aamNew Link Textada iyo Arrimaha masiirigaa ee beesha.

Beesha Caalamka, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo cid walba oo Beesha tanade danoiyo masaalix kala dhixeeyaan ayaa la sheegay inay ixtiraamaan go’aanka beeshu ay gaartay.

Gudoomiyaha Shirka Beesha Tanade Cabdi Gaas Khaliif ayaa sheegay in go’aankaan uu yimid kadib shirar is daba jog ah oo beeshu ku qabatay magaalooyinka Galdogob, Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana uu intaas ku daray in cabashada beesha horay wax looga qaban waayay.

Isimo , Nabadoono, Syaasiyiin, Ganacsato  Dhalinyaro iyo waxgaradka kale ee beesha ayaa taageeray go’aanka kasoo baxay shirwaynaha Gaalkacyo lagu soo gabo gabeeyay.

Faysal M. Hassan 
[email protected]