4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2017
Labo maleeshiyo beelleed oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

 

Axad, December, 24, 2017 (HOL) – Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku dhawacmay dagaal labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaan lagu magacaabo Geel ku Dhal oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Ducaale Aadan Cabdi ayaa sheegay in dagaalka oo dhacay maalintii shalay ay ku dhawacmeen Afar ruux islamarkana loo kala qaaday magaalooyinka Baladweyne,iyo Guriceel oo kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda deeganka dagaalka u ka dhacay ay hadda tahay mid degan islamarkana waxgaradka ka soo kala jeeda labada dhinac ay wadan dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo colaada.

Guudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowlada federaalka,maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug in ay gacan ka geystan sidii xal looga gaari laah colaada ka dhax tagan labada beelood.

Labada beellood oo wada dega deeganno ku teedsan Xadka kala qeybiya Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo nuucan oo kala ah ku dhaxmareen deeganno ku dhow degmada Matabaan kuwaasoo ilaa hadda wax xal ah laga gaarin colaadooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]