Cabdiraxmaan Cabdishakuur : Hadda kaddib wixii na soo gaara waxaa Mas’uul ka ah madaxweyne Farmaajo
Sabti, December, 23 2017 (HOL) –Siyaasiga Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweyaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo faah faahin ka bixiyay weerar
gurigiisa ay ku qaadeen todobaadkii hore ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in weerarkii Gurigiisa lagu soo qaaday la
doonayay sida uu hadalka u dhigay in lagu qaarajiyo isaga oo mas’uuliyada
arintaa dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
‘’Waxa loo
ridayay madaafiicda iyo Dhashiikaha waxey aheyd in la muujiyo in meesha uu
dagaal ka socdo, ujeedaduna waxey aheyd in nala qaarajiyo, waxaan rabaa in aan
halkan ka cadeeyo mas’uuliyada weerarkaa waxaa iska leh madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qof kale oo aan u heysanyo malaha, waan
naqaannaa Wiilashii weerarka ka qeybgalay iyo saraakiishii hogeemineysayba’’ ayuu
yiri Cabdirxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale
wuxuu sheegay intii uu weerarku socday in ay khadka ku jireen madaxweynaha
dowladda Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha iyo Agaasimaha madaxtooyada oo sida uu
hadalka u dhigay Raadiyayaasha leyska maqlo ee ciidamada nabad-sugida hadba
daqiiqad daqiiqad ula soo hadlayeen.
‘’Cadeymo
ayaan arintaa u heynaa, waxaan ognahay in wali cadaadis iyo canaan lagu hayo saraakiisha iyo ciidamadii
howlgalka ka qeybgashay, waxaan cadeyn u heynaa in wali ay cadaadis ku hayeen
saraakiishii ku fashilmay in aan is qaarajino waliba gaar ahaan sarkaalkii
gudaha Guriga soo gallay oo aan loogu talagalin in sidoo kale isagana cadaadis
lagu hayo’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Dhinaca
kale waxaa uu sheegay in cadeymaha la xiriira in ay weerarkaasi ka danbeeyeen
madaxda sare ee dalka loo daliishan karo cadaadiska iyo dhibaatada ay ku hayaan
laamaha cadaalada iyo garsoorka madaxa-bannaan.
‘’Waxaan
ognahay in ay cadaadis ku hayaan cadaalladii oo ay leeyihiin arintii hala
fuliyo oo halaga daba-taggo oo
garsoorkii madaxa-bannaanaa wali cadaadis ku hayaan, waxaan rabaa marka in aan
idin cadeeyo waxa Allaale iyo wixii na soo gaara haantan iyo kaddib mas’uuliyadeeda
waxaa iska leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhiiggeena loo heystaa’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan
Cabdishakuur.
Shirkiisa
Jaraa’id ayuu ka digay in dalka dib loogu celiyo sida uu hadalka u dhigay
Cabdiraxmaan dagaal sokeeye.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]