Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta aqoon is waydaarsi loo furey iyo fariin uu faray madaxweyne Biixi
Sabti,December, 23, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse
Biixi Cabdi ayaa xubnaha golaha wasiirrada u daah-furay kulan ballaadhan oo
lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo
socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha
horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).
Kulankan ayaa ka furmay Hotel
Royal Palace ee duleedka galbeedka caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, dhammaanba
xubnaha golaha wasiirradda iyo hoggaanka mac-hadka hay’adaha shaqaalaha dawladda, waxaana uu
socon doonaa muddo Afar maalmood ah, iyada oo lagu diyaarin doono qorsheyaasha
ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto sanadaha soo socda, gaar ahaan afarta bilood
ee inagu soo foolka leh ama 120 maalmood ee ugu horeeya xukuumadda.
Wada-shaqaynta hay’adaha kala
duwan ee dawladda, nidaamintooda iyo sidii looga hortegi lahaa murug ku
yimaadda hannaanka la isula jaanqaadaayo, ayaa sidoo kale kulanka lagu
faaqiday, waxaana uu madaxweynuhu si hufan u sharraxay baahida loo qabo inay
golaha wasiirradu noqdaan mishiinkii hoggaamin lahaa hayaanka waxqabad ee
xukuumaddu u heensaysatay muddo-xileedkeeda.
Ugu horrayn madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi oo kulankan daah-furay, ayaa ku dheeraaday ujeedadda kulanka,
waxaana uu sheegay in xukuumadda looga fadhiyo sidii ficil loogu beddeli lahaa
ballamihii uu xisbigu ummadda u qabtay oo lagu lammaaneeyey qorshaha
horumarinta qaranka Somaliland ee labaad, waxaana isaga oo arrimahaas ka
hadlaya uu yidhi, “Hawlaha inoo yaallaa way badan yihiin waxaana aynu soo
galnay olole siyaasadeed, waxaana aynu dadka u ballan qaadnay ballamo waaweyn
inaga oo xisbiga KULMIYE ah, Barnaajim lix tiir ah oo dadku aamineen oo qurux
badan baynu samaynay, waxaana aynu
rabnaa in Barnaamijkii la furfuro illayn wuu koobnaaye oo 23-kaa wasaaradood ay
mid waliba qorshaheedii la baxdo oo ay u samayso sanadle, lix-biloodle iyo
saddex-biloodle ka dheegan Barnaamijka xisbiga iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland
National Plan II), waxaynu u baahanahay inaynu diyaarino 120-ka(Boqol iyo
labaatan maalmood) ee ugu horreeya oo run ah.”
Madaxweynuhu waxa uu xubnaha
golaha wasiirrada xusuusiyey in aanay cid gaar ah iyo deegaanno gaar ah midna
metelin, balse ay yihiin wasiirro qaran, isla markaana uu madaxweyne ahaan
kusoo xushay codkii bulshada oo isku duuban, waxaana uu ku adkeeyey inay
ummadda si guud ugu wada-shaqeeyaan, “Intiina I horfadhidaa waxaad Ilaahay ku
mahadisaan ninna reer qudhi masoo dooran, anigana reer ima soo dooran oo
qaranka oo dhan baa I doortay labadii mucaaridna way igu raaceen, markaa reer I
sheegan kara oo dabada I jiidi karaa ma jiro, qaar cod ii badiyey way jiraan,
laakiin qaranka oo dhan baa I doortay oo iyagu meel wax ma geeyaan, wasiirradan
halkan fadhiyanna ninna caaqil iyo odayaal iima keenin, mana ogayn cidda
imanaysa, codkii Umadda ee la iidhiibay awooddiisii uun baan idinku yeedhay,
waanad ka nasiib badan tihiin nin olole soo galay oo Oday iyo Caaqil ay hadhow
u manno sheeganayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale sharraxay baahida loo qabo
sidii meesha looga saari lahaa
caqabadaha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwa sharci ee guud ahaan
bulshada haysta, isla markaana loo curin lahaa afkaar cusub oo lagaga hortago
dhibaatooyinka dalka ka jiro.
Kulankan afarta cisho socon
doonaa ayaa ku cusub Somaliland, waana markii ugu horeysay ee madaxweyne
golihiisa wasiiradda siminaar loo qabto si looga dooddo qaabka shaqadda loo
wada bilaabayo iyo sida hawluhu u kala horeeyaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.