4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Dagaal Dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sool

 

Sabti, December, 23 2017 (HOL) – Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay tiro ka badana waa ku dhaawacantay kadib markii dagaal ka dhacay tuulada Qoriley oo 73Km. Koonfur Barri kaga quman magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo co;aad soo nonoqotay ka galaafatay dad badan degaan ahaana ka soo kala jeeda degmooyinka Koonfurta Laascaanood iyo Burtinle, ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyo beeleed ka soo duushey dhica Burtinle ay maanta qabsadeen magaaladaas.

"Waxaan ku war helay rasaasta koonaha magaalada ka soo dhacaysa kadibna waan cararay oo wax la filayey ayay ahayd horeyna dadka shacabka ahaa weligood deganaa waa ay ka qaxeen, waxba maan xaqiijin karayn ee naftayda ayaan la cararay" sidaa waxa HOL u sheegay Maxamuud Cali oo dadka degaankaasi ka mid ah.

Maxamuud waxa uu intaas ku daray galabnimadii in ay ku rogaal celiyeen magaaladii oo ay ka saareen qoladii soo duushey, "Cabdiwali Gaas ayaa soo diray oo Burtinle jooga gaadiidkoodiina waa ka muuqanayey hadee cadaymana waa loo helaa"

Labada dhinacba waxaa ay sheeganayaan in khasaare jiro oo dad ka dhintay waxase isku soo xoorinteeda la sheegayaa 11 labada dhinac ah, waxana weli aan la hubin gabagabada dhabta ah iyadoo goobta dagaalku ka dhacay tahay dhulaka Hawdka loo yaqaan.

Shan maalmood ayaa laga joogaa markii labada beeelood dagaal khasaaraha kan isu dhigmaan uu ku dhex maray Gunburka Cagaare, kaas oo haatan loo diyaar garoobayey  sidii wax looga qaban lahaa, hase yeeshee mashaqo kale ayaa maanta ka daba timid.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in dagaalka la joojiyo wixii dhibayana inay wax ka qabanayaan balan qaaday, waxana dadku si feejigan u dhawrayaan talaabada xigta ee uu ka qaado, maadaama beeshiisa ay ahaayeen ciidanka maanta galay Qoriley.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood