4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray dufcadii ugu horeysay ciidamo tababar ku dhameystay saldhiga Turkiga


Sabti, December, 23 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Tababar u soo xiray dufcadii u horeeysay ciidamo uu Turkiga ku tababaray xeryahay militari uu ku leeyahay Muqdisho.

Ciidamadan ayaa ah kuwii u horeeyay ee lagu tababaro xerada Turkiga, waxaana la barayay tabaha ciidamada, xeeladaha dagaalka, waxaana casharo siinayay saraakiil ka tirsan Turkiga.

Ciidamadan ayaa soo bandhigay dhoolatus milateri iyo xeeladihii loo tababaray, waxaana ka muuqatay tababarka la siiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabaddii tababarka loogu soo xirayay ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada, Safiirka Turkiga iyo saraakiil ciidan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]