4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa dad shacab ah iyo ciidamada Kenya oo ka taagan Beled-Xaawo

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa shacabka degmada iyo ciidamo Kenyaan ah oo la sheegay in ka soo talaabeen dhinaca Xadka.

Xiisada oo taagneyd ilaa shalay ayaa sii xoogeysatay maanta kaddib markii ciidamada Kenya qiyaastii 100 tallaabo ay ka soo gudbeen xadka u dhaxeeya xuduuda Baled Xaawo ay la wadaagto dhinaca magaalada Mandera.

Shacabka degmada oo arintaa ka carooday ayaa isugu soo baxay magaalada Baled Xaawo, waxaana shacabkaasi rasaas xooggan u adeegsaday ciidamada Kenyaan ah.

Nabadoon Cali Bidaar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Baled Xaawo, ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaladda magaalada maanta aad u kacsan tahay.

Maamulka Degmada Baled Xaawo, wali kama aysan hadlin dhibaatadan ka taagan Magaaladaasi Baled Xaawo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]