4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Madaafiic dhowr ah oo ku dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) -Madaafiic loo adeegsaday Qoriga hoobiyaha goor dhaw oo maanta ah waxaa ay ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada, iyadoo madaafiicda qaar jugtooda laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegaya in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen agagaarka 15 May iyo caga-dhiig oo u dhow Madaxtooyada.

Ilaa iyo hadda la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda, iyadoo dadka deegaanka ee ku noolaa xaafada madaafiicda ku soo dhaceen argagax iyo cabsi la soo deristay.

Al-Shabaab ayaa ayaa markiiba sheegatay weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee lagu tuuray Madaxtooyada, waxaana warbaahinta afkooda ku hadlay ay sheegeen in 8 madfac ku weerareen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]